Jimco, Janaayo, 05, 2018 (HOL) – Mareykanka
ayaa dalka Pakistaan ka jaraya ku dhawaad dhammaan kaalmada dhanka ammaanka ee
uu dalkaasi siiyo, waxaa uuna Pakistan ku eedeeyay in ay ku guul dareysatay in
ay wax ka qabato kooxaha argagixisada ee ka hawlgala dalkeeda.
Waaxda arrimaha dibadda ee
Mareykanka ayaa sheegtay in ay xayiraaddaasi sii jiri doonto ilaa iyo inta
xukuumadda Islamabad ay tallaabo ka qaadeyso kooxaha Haqqani iyo Taalibaanka Afqaanistaan.
Kal hore Todobaad ayaa madaxweyne
Trump waxa uu Pakisttan ku eedeeyay in ay khiyaaneyso dalkiisa ilsa markaana ay
ka qaadaneyso balaayiin doolar oo kaalma ah.
Muranka u
dhaxeeya Mareykanka iyo Pakistan oo muddo dheer xulufo ahaa ayaa hadda gaaray
meel xasaasi ah waxaana hadda ay u muuqdaan kuwo dhabarka isu jeedinaya.
Xukuumadda
Islamabad ayaa eedeynta madaxweyne Trump ku tilmaantay mid aan la qaadan karin
isla markaana la isaga indha tirayo tobaneeyadii sano ee Pakistan ay nafteeda u
hurtay Mareykanka.
Mowqifka
Mareykanka uu ka qaatay Pakistan ayaa waxaa aad u soo dhaweeyay waddamada India
iyo Afqaanistaan, balse Shiinaha oo tobanaan bilyan oo doolar ku maalgashanaya
dalkaasi Pakistan ayaa ku gacan seyray.
Maamulka
madaxweyne Trump ayaa durbaba hakiyay kaalmo milatari oo uu Pakistan siin lahaa
oo ka badan 255 milyan oo doolar.
Haweeney
Afhayeen u ah waaxda arrimaha dibedda
Mareykanka oo go’aankaasi shaacisay ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka ay
tixgelisay dhibaatada ay geysanayaan kooxda Taalibaanka Afqaanistaan iyo
shabakadda Haqqaani, kuwaasi oo ay sheegtay in ay xasillooni darro ka
abuurayaan gobolka isla markaana ay bartilmaameedsanayaan ciidamada Mareykanka.
BBC