4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 5 , 2018
Dib u habeyn lagu sameynayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed

 

Jimco, Janaayo, 05, 2018 (HOL) – Waxaa soconaya dib u habeyn guud oo lagu sameynayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, si ay u dardar geliyaan Dagaalka ka dhanka ah ee ururka Al-shabaab.

Maxamed Cali Xaggaa Wasiiru Dowlaha Wasaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo la hadlay VOA ayaa sheegay in saldhigga Turkiga ee Muqdisho uu tababar uga soconayo Ciidamo ka tirsan Dowladda, kuwaasi oo uu sheegay hadii tababarkooda u dhamaado la siin doono Hub iyo Agab Ciidan oo casri ah.

Wuxuu sheegay Dowladda Federaalka oo hada ku jirta xaalad in marwalba hadana ay diyaar u tahay in ay masuuliyad gaar ah iska saarto Ciidamada Dowladda qeybahooda kala duwan, sidii baahiyahooda loo dabooli lahaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa tababar u soo xiray dufcaddii ugu horreysay ee ka qalin jabiya Kulliyadda Tababarka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya (Turky-Som).

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey dowladda Turkiga dadaalka ay la garab taagan tahay Dowladda Soomaaliya taas oo ay qeyb ka tahay tayeynta iyo dib u dhiska Ciidanka Qalabka Sida.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]