4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 5 , 2018
Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo isku dhiibay maamulka Jubbaland

 

Jimco, Janaayo, 05, 2018 (HOL) – Saraakiisha Amaanka maamul gobolleedka Jubbaland ee degmada Dooloow gobolka ayaa warbaahinta u soo bandhigay Nink dhalinyaro ah oo ka tirsanaa saraakiisha Ururka Al-shabaab oo isku soo dhiibay.

Sarkaalka ciidamada Jubbaland isku dhiibay ayaa magaciisa lagu sheegay Aadan Ibraahim, waxaana uu ka mid ahaa Saraakiisha Al-shabaab u qaabilsan dhanka Howlgalada iyo Uruurinta lacagta Shabaab ay u yaqaanaan Zakawaadka.

Aadan Ibraahim oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Al-shabaab hadda dhexdooda uu ka jiro kala shaki aad u weyn, sidoo kalena uu kala kulmay dhibaatooyin fara badan.

Wuxuu sheegay sidoo kale inuu isa soo dhiibo in ay ka dambeysay kadib markii uu maqlay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu markale Cafis u fidiyey dhalinyaradda ka tirsan Al-shabaab.

Taliyaha ciidamada Nabad-sugidda Degmadda Dooloow oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay kuwa ka tirsan Shabaab ee ka faa’iideysanaya Cafiska Madaxweynaha ay soo dhoweynayaan, waxaana wali kuwa ka tirsan Al-shabaab uu ugu baaqay inay fursadda Dowladda ka faa’ideystaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]