4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 4 , 2018
Kooxda Al-shabaab oo sheegatay dilka askari laba xidigle ah oo Bosaaso lagu toogtay maanta


Khamiis, Janaayo, 04, 2018 (HOL) –Kooxo ku hubaysan baastoolado ayaa maanta magaalada Bosaaso ku dilay sargaal ka tirsana ciidamada dekedda Bosaaso ,kaasi oo lagu magacaabi jiray Xasan Xiir sida ay sheegeen dad goob-joogayaal ah.

Dilkan ayaa ka dhacay meel aan wax badan ka fogayn deked-da Bosaaso , waxaana uu dhacay xilli goobta ay ka ag dhaawaayeen ciidamo ka tirsan Puntland oo ilaalo ka hayay agaagaarka dekadda.

Kooxda dilka fulisay oo ka koobnaa dhowr qof ayaa la sheegay in ay u suurtagashay in ay goobta ka baxsadaan wax yar ka dib markii marxuumka ay xabadka iyo madaxa kala heleen dhowr xabadood.

Warar soo baxaya ayaa sheegay in howl-galo ay sameeyeen ciidamada deked-da lagu soo qab-qabtay dhowr qof oo looga shakisan-yahay in ay ku lug leeyihiin dilkan dhacay maanta oo khamiis ah.

Ugu danbayn, kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyad-da weerarkan lagu dilay Xasan Xiir oo la sheegay in uu ahaa laba Xidigle ,waxaana mas'uuliyiin ka tirsan Puntland ay ka gaabasadeen in ay ka hadlaan dilkan.  

Hiiraan Online News Desk