Khamiis,Janaayo 04,2018
(HOL)- Shirkii labaad ee ay
yeeshaan golaha wasiiradda ee Somaliland oo uu shirgudoominayey madaxweyne
Muuse Biixi ayaa lagaga hadlay maamulka hawadda sare ee Soomaaliya la
wareegtay.
Sidoo kale, waxa
shirkan golaha wasiiradda laga soo saaray go’aammo cusub oo wax laga qabanayo.
“Kal-fadhigii labaad (2aad) ee ay yeeshaan golaha wasiirada
Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane
Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane
Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ka qabsoomay hoolka shirarka
golaha wasiirada ee Madaxtooyada Somaliland, ayaa dood-dheer oo ay yeesheen ka
dib waxa shirkaasi ka soo baxay laguna lafo-guray qodobo muhiim u ah qaranka
iyo shacbiga Somaliland.”ayaa lagu sheegay qoraal ka soobaxay xafiiska
madaxweynaha.
Go’aamadan ka soo baxay shirkii golaha wasiirada ayaa u
dhignaa sidan:
1. In Dawladda
Somaliland ay gardaro cad u aragto faro-gelinta ay Soomaaliya ku samaysay
hawada Somaliland, sidoo kalena ay qaar ka mid ah maamulkeedu soo galaan
xuduudaha Somaliland, taasina maaha mid ay Somaliland u dulqaadan doonto wixii
hadda ka danbeeya.
2. In la xoojiyo
go’aankii wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeyntu ay ka soo saartay
joojinta dhulka danta guud ee qaranka.
3. In la joojiyo
qabyaalada loo isticmaalo warbaahinta kala duwan ee dalka ka hawl-gasha.
4. In xubnahan hoos ku xusan loo saaro inay ka
shaqeeyaan xal u helidda qiima dhaca shilinka Somaliland, xubnahaas oo kala
ah:-
Ø Wasiirka Wasaaradda
Horumarinta Maaliyada, Yuusuf Maxamed Cabdi,
Ø Wasiirka Wasaaradda
Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska, Maxamuud Xasan Sacad
Ø Wasiirka Wasaaradda
Horumarinta Maalgashiga, Maxamed Axmed Maxamuud Cawad
Ø Wasiirka Wasaaradda
Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda, Dr Cabdiweli Sh Cabdilaahi Suufi
Ø Wasiirka Wasaaradda
Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, Xasan Maxamed Cali iyo
Ø Guddoomiyaha Baanka
Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Cabdi Ibraahim (Dhoobaale).
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.