4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 4 , 2018
Duqa Cusub ee Mag. Minneapolis Oo U Magacaabay La-taliyaha Shaqalaha, shaqada, tababarka iyo xiriirka ganacsiga Shaqsi Somaali ah:


Khamiis, Janaayo, 04, 2018 (HOL) –Minneapolis: Duqa Magaalada Minneapolis Mudane Jacob Frey ayaa maanta digreeto ku magacaabay Cabdi Salaax (Cabdiqudus Donyale), oo noqon doono xubin muhiim ah oo ka tirsan xafiiskiisi. Digreetadasi ayaa lagu qeexay in mas’uulkaan uu kala talin doono Jacob Frey arimaha la xiriira shaqaalaha, xirfad abuurista, kobcinta ganacsiga iyo meelmarinta sharciyada u qorshaysan duqa magaalada.

Abdi Salah ayaa markii u horaysay soo fuulay masraxa siyaasada 2013kii, isagoo hormuud ka ahaa ololihii Abdi Warsame oo isla sanadkaasi noqday shaqsigii u horeeye Muslim ah oo kamid noqdo golaha degaanka Magaalada Minneapolis.

Afartii sano lasoo dhaafay, Abdi Salah ayaa wuxuu ahaa maamulihii xafiiska Degmada 6’aad uu gudoomiyaha ka yahay Cabdi Warsame. Cabdi Salah ayaa afartaasi sano muujiyey hogaan hufan, isagoo qayb wayn ka ahaa mashaariicyo waa’weyn ee laga fuliyey degmadaasi sida dhismaha xarunta weyn ee tababarka shaqaalaha ee loo yaqaan Cedar Riverside Opportunity Center. Wuxuu sidoo kale mas’uulkani kaalin ka ciyaaray hirgalinta sharciyo waa’weyn oo ay kamid yihiin sharciga takaasiilayda, xeerka $15 minimum wage,  xeer ka mamnuucayo kira dhiibayasha inay takooraan dadka haysto Section 8ka iyo xeerar kale.

 Mas’uulka ayaa haysto shahaado heer Masters ah ee maaraynta ganacsiga islamarkaana u shaqeeye shirkada waa’weyn ee ka ganacsado maalgashiga. Dad-weynaha Somaaliyeed ayaa aad usoo dhaweeyey magaacaabista Abdi Salah, isagoo noqonaayo Mas’uulkii u horeeye loo magacaabo xil noocaan oo kale.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
Minneapolis,MN