4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 4 , 2018
Madaxweyne Farmaajo oo maalmaha soo socda ku wajahan Garoowe

 

Khamiis, Janaayo, 04, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in todobaadka danbe uu u safro magaalada Garoowe ee xarunta maamul gobolleedka Puntland, halkaa oo ay ka socto qaban-qaabada soo dhaweynta madaxweynaha.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta anbabaxay xubno ka tirsan xafiiska madaxweynaha oo ku wajahan magaalada Garoowe, kuwaa oo hor dhac u noqon doona wafdiga madaxweynaha uu horkacayo.

Madaxweynaha ayaa muddada uu joogo Garoowe waxaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la qaato madaxda maamulka iyo qeybaha kala duwan bulshada, sidoo kalana waxaa la filayaa in uu booqdo magaalada xeebeedka Boosaaso isaga oo gaar ahaan tagi dekedda Boosaaso.

Booqashada la filayo in uu madaxweyne Farmaajo ku tago Garoowe ayaa noqoneysa tii ugu horeeysay ee uu ku tago Puntland tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya 8-february ee sanadkii 2017..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]