4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 4 , 2018
Juxa “ Anniga oo Garoonka diyaaradaha ku sii socda ayaan maqlay in xilka leyga qaaday

 

Khamiis, Janaayo, 04, 2018 (HOL) – Cabdi Faarax Juxa oo wareegto ka soo baxday xafiiska ra’iisal wasaaraha looga qaaday xilka Wasiirka Arimaha gudaha ayaa sheegay in warka ku saabsan xil ka qaadistiisa uu ka maqlay Idaacada oo kaliya.

Qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Internet-ka ayuu ku sheegay in isaga oo ku sii socda Garoonka diyaaradaha uu Warbaahinta ka maqlay oo kaliya xil ka qaadistiisa, waxaana uu sheegay in uu ku sii jeeday magaalada Garoowe si uu u qabanqaabiyo booqashada madaxweynaha dhawaan uu ku tagi doonno deegaannada Puntland.

Wasiir Juxa ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo Wasiirka cusub ee xilka loo magacaabay Cabdi Maxamed Sabriye una rajeynayo in Alle xilka u fududeeyo.

Sidoo kale Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo laga qaaday xilka Wasiirka arrimaha dibeda ayaa sheegay in qof ka soo wacay dalka Mareykanka uu uu sheegay in laga qaaday xilkii Wasiirka arrimaha dibeda.

Wareegto ka soo baxday xafiiska ra’iisal wasaaraha ayaa xil ka qaadis lagu sameeyay saddex Wasiir oo ka tirsanaa xukuumada kuwaa oo kale, Wasiirkii arrimaha dibeda, Wasiirkii arrimaha gudaha iyo Wasiirkii Ganacsiga, waxaana la magacaabay saddex Wasiir oo badeli doona Wasiiradda xilalka laga qaaday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]