4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 4 , 2018
Ra’iisal wasaare Kheyre oo ka hadlay deymaha lagu leeyahay Soomaaliya

 

Khamiis, Janaayo, 04, 2018 (HOL) – Ra’iisal Wasaare Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in xukuumaddu ay Qorsheyneyso sidii looga gudbi lahaa deynta lagu leeyahay Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in xukuumaddu ay wado kasto u mari doonto sidii loo joojin lahaa in Soomaaliya dhaqaalaha loo soo mariyo dowlado kale.

“Xukuumaddu hadafkeedu waa sidii aan u heli laheyn dhaqaalaha ay aduunyadu bixiso anaga oo aan dad kale nagula soo dhiibin,sidaan u ahaan laheyn dad xor ah si ganacsatadu ay dowladooda ku qanacsnaadan oo ay aaminaan balse intaas oo idil jawaabteeda iyo fulinteeda dowladda iyo shacabka ayaa laga rabaa ayuu yiri ra’iisal wasaare Kheyre”

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhowr mar oo hore ku cel-celisay in waqti badan la geliyay in deymh Soomaaliya lagu leeyahay la cafin doono,iyada oo Wasaaradda Maaliyadda sidoo kale ay soo bandhigtay qorsho arrintas fududeyn karta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]