4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 4 , 2018
Dowlada Itoobiya oo xabsiga ka sii deynaysa maxaabiista u xirxiran siyaasada

 

Khamiis, Janaayo, 04, 2018 (HOL) - Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa ku dhowaaqay in la xabsiyada laga sii deyn doono dhammaan dadka u xirxiran sababaha siyaasadeed, islamarkaasna la xirayo xasbiga weyn ee Maekelawi.

Hailemariam Desalegn oo shir jaraa’id ka sheegay go’aankan ayuu sii raaciyay in dadka xukun sugayaasha ah iyagana la cafiyay. Itoobiya ayaa lagu eedeeyaa ku xad gudub xuquuqda aadanaha, iyada oo la xirxiro dadka mucaaradka ah.

Waa markii ugu horeysay oo ay dowladda qirato in ay xabsiyada ku heyso dad u xirxiran sababo siyaasadeed.

Lama oga tirada rasmiga ah ee dadka siyaasadda u xirxiran, balse waxaa la ogyahay in kumanaan la xirxiray sanadkii 2015-kii.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii 19 qof oo lagu eedeeyay in ay ka tirsanyihiin ururka Ginbot 7 lagu xukumay dacwado la xiriira argagixisonimo.

Ma cadda waxa uu ka dhashay go’aankan, balse wuxuu imanayaa kadib wadatashiyo uu lahaa xisbiga talada haya ee EPRDF. Hay’ada Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa soo dhoweysay warkan hase yeeshee waxa ay sheegtay hay’ada in xirida xabsiga Maekelawi uusan noqon doonin mid lagu illaawo ciqaabihii loogu geystey maxaabiistii lagu xirey xabsigaas.

Dadka ku jira xabsiyada dalka Ethiopia ayaa waxaa ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa mucaaradka ee ka soo jeeda gobolada Amhara iyo Oromia.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]