4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 3 , 2018
Wafdi ka socda guddiga doorashada heer Qaran oo booqday degmada Buula-burte


Arbaco, Janaayo, 03, 2018 (HOL)- Wafdi ka socday guddiga doorashada Madaxa-banaan ee heer Qaran ayaa maanta gaaray degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan, iyaga oo halkaa kulamo kala duwan kula yeeshay mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo qeybaha bulshada.

Gudoomiye ku-xigeenka guddiga doorashada Siciid cali Maxamad ayaa sheegay in Buula-burte ay u tageen sidii kulamo wada tashi ah ula qaadan lahayeen bulshada una dhageysan lahaayeen aragtiyada iyo figradaha ay ku biirinayaan doorasho Qof Cod ah oo  2020-ka lagu wado in ay Somaliya ay ka dhacdo.

Guudoomiyaha degmada Buula- burde  Cabdi Daahir Guure a sheegay in shacabka Buula Burde  diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaatan dib u dhiska dowladnimada, isaga oo intaa ku daray in ka maamul ahaa iyo bulsho ahaanba soo dhaweynayaan socdaalka guddiga ay ku kala bixinayaan gobollada dalka si wax badan looga ogaado aragtida bulshada ee la xiriirta suurtagalnimada in ay dhacdo doorasho Qof iyo Cod ah. 

Guddigan ayaa horay u booqday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan iyaga oo kulamo la qaatay maamulka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]