4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 3 , 2018
Ra’iisal wasaare Kheyre : In nala dhaliilo waan ogolnahay, laakiin dhaliishu ma’aha in ay ahaato mid Dan shaqsi ah

 

Arbaco, Janaayo, 03, 2018 (HOL) -Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa markii ugu horeysay sheegay in xukuumadiisu soo dhaweyneyso dhaliilaha uga imanaya mucaaradka, waxaana uu sheegay in ay aqbalayaan dhaliil kasta oo aan aheyn mid Dan Shaqsi ah.

‘’Waan soo dhaweynayaa qof kasta oo Soomaaliyeed oo na dhaliileysa, haddii aan nala dhaliilin ma wanaagsaaneyno, haddii aan nala dhaliilin shaqadeenu maka sii wanaagsanaaneyso sida ay hadda tahay, laakiin dhaliisho waa aysan noqon mid Dan gaar ah ama Shaqsi ah oo lagu dhaliilayo dowlad ama nidaam Soomaaliya ’’ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre.

Wuxuu intaa ku daray in mar walba ay soo dhaweynayaan sida uu hadalka u dhigay dhaliil u tilmaameysa waddada Wanaaga iyo dowladnimada, una baahan yihiin dhaliilaha noocaa ee wax lagu toosinayo.

‘’Waa dhab in aan Ad-adagnahay, laakiin waxaan ku Ad-adagnahay sharciga iyo kala danbeynta dalka, soo celinta sharaftii iyo karaamada umadda Soomaaliya, dib u yagleelida dowladnimo Soomaaliyeed’’ ayuu intaa ku sii daray ra’iisal wasaare Kheyre.

Hadalka ra’iisal wasaare Kheyre ayaa imanaya xili maalmihii ugu danbeeyayba ay taagneyd xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta ka soo horjeeda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]