4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 3 , 2018
Somaliland oo ka hadashay wasiir ka tirsan dawladda Fadaraalka Soomaaliya oo booqasho ku tagay gobolka Sanaag

 

Arbaco,January,  03,2018  (HOL)- Xukuumadda Somaliland ayaa xad gudub ku tilmaamay wasiir ka tirsan dawladda Fadaraalka Soomaaliya oo shalay booqasho ku yimid magaaladda Badhan ee gobolka Sanaag.

Wasiirka arrimaha Dibada Somaliland Dr, Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Soomaaliya ku xadgudubtay xadka Somaliland,isla markaana ay taasi dhalin karto iska hor imaad aan dan u ahayn dadka deegaanka.

"Runtii arrintaas aad iyo aad baan uga biyo diidannahay Soomaliya iyo Somaliland xad baa u dhexeeya caalamiya oo la yaqaanno in xadkaas laga soo gudbo waxay tahay xad-gudub arrinkaasina wuxuu khal-khal galinayaa cilaaqaadkii aanu lahayn annaka iyo Soomaaliya waxayna ku dambayn doontaa uun iska hor imaad taasi oo aan dan u ahayn dadka deegaanka iyo gobolka toona"ayuu yidhi Sacad Cali Shire oo sheegay inuu aad uga xun yahay in wasiir ka tirsan Soomaaliya uu usoo talaabo xadka Somaliland.

Jawaabtan ayaa ka dambeeyey ka dib markii Wasiirka qorshaynta iyo maalgashiga Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan uu shalay booqasho ku yimid magaladda Badhan ee gobolka Sanaag.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.