4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 3 , 2018
Kalfadhiga Labaad ee golaha Aqalka sare oo maanta la soo xirayo

 

Arbaco, Janaayo, 03, 2018 (HO)- Maanta ayaa la filayaa in la soo xiro Kalfadhiga 2aad ee Aqalka Sare oo socday Lixdii bilood ee la soo dhaafay, waxaana la filayaa in fasax muddo saddex bilood ah gallaan xildhibaannada Aqalka sare.

Muddadii uu furnaa Kalfadhigan oo furmay July 12, 2017, waxa uu ahaa mid aad u mashquul badnaa iyada oo la ansixiyay sharciyo badan iyo shaqooyin badan.

Sidoo kale Aqalka Sare muddadii uu jiray kalfadhiga 2-aad waxa ay ka qayb qaateen xal u helidda khilaafaad ka jiray maamul gobolleedyada dalka.

Kulankii ugu dambeeyey ee ay yeeshaan Senatorada Aqalka Sare ayaa waxaa lagu ansixiyay Miisaaniyada sanadka cusub ee 2018.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]