4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 3 , 2018
Madaxwayne Trump oo mar kale digniin u jeediyay K/Waqooyi

 

Arbaco, Janaayo, 03, 2018 ((HOL)  - Madaxwayne Donald Trump ayaa mar kale digniin u jeediyay dalka Kuuriyada Waqooyi.

Mr Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Tweetarka waxa uu ku sheegay in hubka Niyukleerka ee ay Mareykanka haystaan uu ka wayn yahay kana awood badan yahay midka Kuuriyada Waqooyi.

Hadalka madaxwayne Trump ayaa ka dambeeyay ka dib markii hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu dhawaan sheegay in meesha laga rido hubka Niyukleerka uu ku yaalo kursigiisa.

Ma aha markii ugu horeysay oo ay hanjabaad is waydaarsadaan madaxwayne Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi waxa uu sidoo kale muujiyay in uu diyaar u yihiin wadaxaajood ay la galaan Kuuriyada Konfureed.

Kuuriyada Koonfureed ayaa soo dhawaysay wadaxaajood ay la galaan xukuumadda Pyongyang.

BBC