4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 3 , 2018
Al-shabaab oo sheegatay dilka Cali Nuur Shuute oo xalay rag hubeysan ku toogteen Gurigiisa

 

Arbaco, Janaayo, 03, 2018 ((HOL)  - Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada dil xalay loo geystay Cali Nuur Shuure oo ah Aabaha dhalay Col Xasan Cali Nuur Shuute oo ah Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida Soomaaliya.

Dilka ayaa ka dhacay degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir, gaar ahaan Suuq Boocle, waxaana la sheegayaa in raggii dilay ay baxsadeen.

Al-shabaab ayaa Warbaahintooda ka sheegtay mas’uuliyada dilka, waxaana ay tilmaameen in rag ka tirsan wax ay ugu yeereen amniyaadka ay fuliyeen dilkaasi.

Al-shabaab ayaa intaa ku daray in raggii dilka fuliyay goobta ka baxsadeen, maadaama ay fuliyeen hawshii ay u tageen halkaasi.

Marxuumka Cali Nuur Shuute ayaa lagu wadaa in maanta lagu Aaso magaalada Muqdisho.

Gudoomiye Shuute, ayaa Isniintii bilaabay dhageysiga eedeymo loo haysto rag la sheegay inay ku lug lahaayen qaraxii 14-kii bishii October ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]