4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 3 , 2018
Xoogagga Al-shabaab oo Shan Askari ku dilay gobolka Waqooyi Bari Kenya

 

Arbaco, Janaayo, 03, 2018 ((HOL) - Xoogaga Ururka Al-Shabaab, ayaa markale weerar ka gaystay Gobolka Waqooyi Bari Kenya, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan Shan ka mid ah ciidamada Booliska Kenya halka tiro Toban ka badana ay ku dhaawaceen.

Shabaabka, ayaa wadada u galay gaadiid ay la socdeen  ciidamada  Kenya oo ka dhaqaaqay Deegaanka Kotulo, oo hoos-tagta Ceelwaaq Kenya. Ceelwaaq waxay deegaan ahaan hoos-taga degmada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Ciidanka la weeraray oo ku sii jeeday deegaanka Ceel-Raam, ayaa loo galay Tuulada Kamoore, waxayna dadka degaanku sheegeen in weerarkaasi uu ku bilowday gantaalaha garbaha laga tuuro, oo ay Al-shabaab ridayeen.

Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Ammaanka ee degmada Ceelwaaq, Daniel Bundotich, ayaa sheegay Shabaabku in ay soo weerareen ciidamada Booliska, xilli ay ku guda jireen buu yiri roondo.

Gudoomiye Ku-xigeenka, ayaa xaqiijiyay in shan askari oo laba ay Saraakiil yihiin in looga dilay weerarkaasi, halka 36 askari oo kale oo roondada ka qayb qaadanayay ay qaarkood ku dhaawacmeen weerarka dhaba-galka ah. waxaa uu tilmaamay in inta badan dhaawacyada askartu yihiin kuwo fudud.

Daniel Bundotich, ayaa sidoo kale qiray in dagaalka ay Shabaabku ku gubeen mid ka mid ah gaadiidka xamuulka ee ciidamada Boolisku leeyihiin, sida uu sheegay ciidamada Booliska waxey wateen laba gaari xilligii la soo weerarayay.

Sida uu ka dhawaajiyayba Daniel Bundotich waxey ciidamada Booliska la soo baxsadeen gaarigii kale, oo dhaawacyada lagu keenay Deegaanka Ceelwaaq, Sarkaalkan ma sheegin haddii weerarkaasi ay khasaaro ku gaarsiiyeen Al-shabaab iyo in kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]