4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 3 , 2018
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka hadlay xiisada degmada BeledXaawo

 

Arbaco, Janaayo, 03, 2018 ((HOL)  -Degmada BeledXaawo ee gobolka Gedo waxaa maalmihii ugu danbeeyayba ka taagnaa xiisad ka dhalatay Derbi sida la sheegay Kenya ay ka dhiseyso Xudduuda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Saciid Faarax (Juxa), Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Senataro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale ayaa kulamo xog wareysi la qaatay shacabka BaledXaawo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Saciid Faarax Juxa ayaa sheegay in marnaba aysan raali ka noqon doonin in dhul Soomaaliyeed la qaato, wuxuuna tilmaamay arrintan in ay si qoto dheer uga wada hadli doonaan labada Dowladood.

‘’Waan garan karnaa walwal ay qabaan dadka degmada BeledXaawo, Annaga ka dowlad ahaan ma aqbaleyno in dhul Soomaaliyeed la qaato, dhinaca kalana ma aqbaleyno in dowladda Kenya lagu xadgudbo, waxeynu nahay labo dowladood oo daris ah, sidaa daraadeed wixii qalad ah ee jira waxaa isla eegi doona guddi Farsamo’’ ayuu yiri Wasiirka.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay soo xaqiijiyeen sida ay wax u jireen, arrintana ay wax ka qaban doonaan.

Dowladda Kenya ayaa la sheegay in ay Derbi ka dhiseyso gudaha Xadka Soomaaliya, iyada oo gabaad uga dhiganeysa in ay dhiseyso xeendaab ay uga hortageyso weerarada kaga imaanaya ururka Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]