4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 20, 2018
Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay abaabulka ka socda xadka Somaliland iyo Soomaaliya

 

Sabti,Janaayo  20,2018  (HOL)- Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xaaladda guud ee Somaliland iyo abaabulka ka socda xadka udhexeysa Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sidoo kale ka hadlay sicir bararka dalka ka jira oo uu sheegay in maalmaha soo socda go’aamo ay ka soo saari doonto xukuumaddu.

“Ciidanka Somaliland iyo shacbiga Somaliland cidna ka magansanmayso haday dhulkooda tagayaan kumanna xad gudbin xadka u dhexeysa Somaliland iyo Soomaaliya, colaadna uma jeedno, maanta Soomaaliya iyo Somaliland colaad uma taag hayaan, dadku horumar bay u baahan yihiin, waxaan caalamka u sheegaynaa in aanan dhulkayaga joogno oo aanan dhaafeen, ciidankayagu wuxuu xadka u jiraan toddobaatan Killomitir, dastuurka Somaliland wuxuu I farayaa inaan xadka sugo waana wixii la ii dhaariyey, baarlamaanka iyo shacabka igu daba jooga, garan maayo Soomaaliya abaabulka ka socda ee qabiliga salka ku haya ee ciidamada la soo dhoobay wax alla waxa dagaalkaasi loo abaabulayo garan maayo, Haddii Soomaaliya leedahay Somaliland baan xoog ku muquuninayaa anagu difaac baanu diyaar u nahay, waxaana noo ogol xeerka caalamiga iyo ta afrika”ayuu yidhi Biixi oo ka hadlaya abaabulka ka socda xuduudda Somaliland iyo Soomaaliya.

Mar uu ka hadlayey Soomaaliya waxa uu yidhi “Soomaaliya waxa inoo dan ah inaynu wada hadalno oo wixii inaga dhexeeyey kala guranno, waxaana wada hadalkaasi bilownay lix sanno ka hor laakiin wakhti lumis ayaad ku lumiseen, waxaan idinka digayaa haddii aad xadkayaga ka soo gudubtaan waxaan hubaa si aan horeba nin kasta oo nagu soo duulo uga guulaysan jirnay inaanu idinka guulaysayno xadkayaga waan tagaynaa hadii aad soo duushaan”.

Tan iyo intii madaxweyne Biixi xilka la wareegay ayaan warbaahinta ka hadal,isla markaana laba jeer oo uu safar Jabuuti iyo Itoobiya ku tagay aan cidnaba la hadal, haseyeeshee maanta ayuu ka hadlay guud ahaan xaaladda jirta gaar ahaana abaabulka ka socda Tukaraq oo uu sheegay in ciidanka Somaliland aanay dhaafin xadkoodda oo wadanka dhexdiisa uun u kala guuraan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.