4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 20, 2018
Diyaarado isku dhacay gudaha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho

 

Sabti, Janaayo, 20, 2018 (HOL) – Wararka ka soo baxaya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in labo diyaaradood oo ah kuwa yar ay isku dhaceen.

Wararku waxaa ay sheegayaan in shilkan uu yimid kaddib diyaarad ay leeyihiin Midowga Yurub ay ku dhacday diyaarad kale oo kuwa shacabka raacaan oo ku sugneyd garoonka Aadan Cadde, gaar ahaan meel ku dhow Terminalki hore looga soo guuray.

Diyaarada shilka gashay ayaa dooneysay in ay Parking gasho, waxaana ay halkaas ugu dagtay diyaarad kale oo xilligaas taagneyd.

Muuqaalo laga soo qaaday ayaa muujinaya in baal ka mid ah baalasha diyaarada ku duusho uu soo gaaray burbur.

Diyaarada meesha taalay ee baalka uu ka bur buray ayaa waxaa leh Shirkad lagu magacaabo Galeyr oo sameysa safarada gudaha ah , xilligaasina waxaa ay u taagneyd duulimaad inay qaado.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]