3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 20, 2018
Khilaaf soo kala dhaxgalay guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo madaxtooyada Soomaaliya

 

Sabti, Janaayo, 20, 2018 (HOL) – Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya kulamo kala duwan oo ay leeyihiin odayaal iyo waxgaradka soo jeeda beellaha ku abtirsada gobolka Banaadir, kaddib wareegtidii dhawaan ka soo baxday madaxtooyada Soomaaliya ee lagu joojiyay iibinta iyo bixinta dhulka danta guud.

Odayaal ku shiray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Wareegtada ka soo baxday madaxtooyada Soomaaliya aysan aheyn sida loo dhigay laakiin la doonayo in cadaadis lagu saaro islamarkaana sumcada looga dilo guddoomiyaha gobolka Banaadir,

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa saakay xireen jidadka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho kaddib markii uu soo baxay war ku saabsan dibadbax looga soo horjeedo khilaafka gobolka Banaadir iyo madaxtooyada oo la qabanqaabinayo.

Dhinaca kale, khilaafkan ayaa  salka ku haya cadaadis siyaasadeed oo guddoomiyaha uga imanaya xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo la sheegay in uu dib u dhigay shir uu ku baaqay guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed oo looga hadli lahaa maqaamka gobolka Banaadir.

Shirka maqaamka gobolka Banaadir oo loo balansan yahay 28ka bishan ayaa loo arkaa mid daba socda nidaamka federaalka oo ay Soomaaliya qaadatay, iyadoo shirar badan oo horay uga dhacay magaalada Muqdisho guddoomiyaha gobolka Banaadir uu dhinac fadhiyay madaxda dowlad gobolleedyada.

Duqa Muqdisho ayaa ku adkeystay qabashada shirkan waxaana ku taageeray odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beelaha Muqdisho oo sheegay in la joogo  waqtigii laga wada hadli lahaa maqaamka gobolka Banaadir.

Boqor Cabdullaahi Geedi Shadoor oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa sheegay in madaxweynaha, ra’iisal wasaaraha iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir yihiin rag saaxiibo ah sidaa daraadeed qasab tahay in ay wada shaqeeyaan.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya oo la xiriira wararka ku saabsan khilaafkan la sheegay in uu kala dhaxeeyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
1/20/2018 10:11 AM EST
Sabti, Janaayo, 20, 2018 (HOL)- Guddoonka golaha shacabka oo fadhi deg deg ah ka yeeshay khilaafka soo kala dhaxgalay maamulka gobolka Banaadir iyo xukuumadda ayaa sheegay in go’aan ka gaarista maqaamka gobolka Baanaadir tahay awood u gaar ah labada Aqal ee dalka.

1/20/2018 8:45 AM EST
Sabti, Janaayo, 20, 2018 (HOL)–Maamulka Gobolka Banaadir ayaa goor dhow war ka soo saaray war saxaafadeedkii shalay ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha, kaasoo looga hadlayay arrinta dhulka danta Guud iyo Ilaalinta Hantida Qaranka.

1/20/2018 8:37 AM EST
Sabti,Janaayo 20,2018 (HOL)- Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xaaladda guud ee Somaliland iyo abaabulka ka socda xadka udhexeysa Somaliland iyo Soomaaliya.

1/20/2018 7:30 AM EST
Sabti, Janaayo, 20, 2018 (HOL)–Qeyb ahaan shaqadii Xukaamadda Maraykanka ayaa xalay saqdii dhexe joogsatay, kadib markii aqalka Senate-ku uu ku guuldareystay inuu meelmariyo miisaaniyad cusub oo KMG ah oo socon doonto ilaa 16-ka bisha danbe.

1/20/2018 6:58 AM EST
Sabti, Janaayo, 20, 2018 (HOL) – Wararka ka soo baxaya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in labo diyaaradood oo ah kuwa yar ay isku dhaceen.

1/20/2018 3:30 AM EST
Sabti, Janaayo, 20, 2018 (HOL) – Maalmihii ugu danbeeyayba magaalada Tunis ee dalka Tunisia ku sugan Safiirka Soomaliya ee u fadhiya Midowga Europe Dr. Ali Said Faqi oo ay weheliso ergeyga gaarka ee xukuumada u qaabilsan xuquuqda tahriibayaasha iyo Qaxootiga Maryan Yaasin.

1/20/2018 1:20 AM EST
Sabti, Janaayo, 20, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay ku wajahan magaalada Caabud-Waaq ee Gobolka Galgaduud.

1/20/2018 12:52 AM EST
Sabti, Janaayo, 20, 2018 (HOL)–Dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday in ay si weyn u xoojisay duqaymaha cirka ee ay ku hayaan maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee ku sugan wuqooyiga Suuriya.

1/20/2018 12:47 AM EST
Sabti, Janaayo, 20, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya dalka Koonfur Africaa ayaa sheegaya in kooox burcad ah xalay ganacsade Soomaaliyeed ku dileen magaalada Johansenbeg ee dalkaasi.

1/20/2018 12:35 AM EST
Sabti, Janaayo, 20, 2018 (HOL) – Waxgarad iyo odayaal ku shiray waxay walaac kaga muujiyeen qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha oo ku saabsanaa ilalainta Hantida Qaranka, iyagoo difaacay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed.