Danjire Cali Saciid Fiqi oo ka hadlay qorshaha dowladda ee Soomaalida ku dhibaateysan Liibiya
Sabti, Janaayo, 20, 2018 (HOL) – Maalmihii ugu danbeeyayba magaalada Tunis
ee dalka Tunisia ku sugan Safiirka Soomaliya ee u fadhiya Midowga Europe Dr.
Ali Said Faqi oo ay weheliso ergeyga gaarka ee xukuumada u qaabilsan xuquuqda
tahriibayaasha iyo Qaxootiga Maryan Yaasin.
Waxaa sidoo kale Tunis joogey wafdi midowga Afric ee u hooggaaminaayey
Safiirka Somaaliya ee Midowga Africa Dr. Mohamed Ali Nur. Labada wafdi oo si
lama filaan ah ku kulmey magaalada Tunis ayaa waxay ujeedadood ahayd in ay u
safraan dalka Libya si ay u kuur galaan xaalada guracan ee ay ku sugan yihiin
muhaajiriinta Somaliyeed, iyadoo wafdiga Midowga Afrikana sidaas oo kale u
socdey inay soo eegaan xaalada muwaadiniinta wadamada Afrika.
Wafdiga Soomaaliyeed waxay la kulmeen madaxda IOM iyo UNCHR ee Libya
ee ku sugan magaalada Tunis iyagoo isku soo qaadey sida Soomaalida dhibaateysan
wax looga qaban lahaa. Sidoo kale wafdiga waxay la kulmeen Safiirada Midowga
Europe ee Libya fadhigeeduna yahay Magaalada Tunis.
Waxaa shirka Safiir Ali
Said Faqi iyo Maryan Yaasin ku weheliyey Safiir Mohamed Cali Nuur. Waxaa
shirkaas looga hadley dadaalka dawlada Soomaaliyeed ay ugu jirto badbaadinta
muwadiniinteeda ku dhibaateysan Libya iyo kaalinta Midowga Europe ka aadan
arrimahaas.
Wafdiga ayaa u suurta-gelin inay u dhoofaan magaalada Tripoli ee
dalka Libya dagaal ka dhacey garoonka diyaarada ee Tripoli awgeed oo sababey
in la xiro hawada Tripoli.
Hiiraan Online oo xiriir la sameysay safiir Ali Said Faqi ayaa waxaa uu
sheegay in macluumaad fara badan ay ka heleen IOM iyo hay’adda qaxootiga ee
UNHCR, kwaas oo ku tilmaamey tirada Soomalida ku dhibaateysan inay kor u
dhaafeyso ilaa shan kun oo qofood.
Safiirka wuxuu no sheegey in kumannaan
ka badan ee Soomalida lagu haysto magaalooyinka Alkufra, Murzuq, Sebha iyo
Benghazi oo dhamaan ka fog Tripoli oo ay dawlada maamusho.
Dowlada Somaaliya ayuu sheegay in ay ka go’an tahay dib u soo celinta qof
kasta oo Soomaali ah oo doonaya in uu si VOLUNTARY ah ugu noqdo dalkiisa iyadoo
hawsha daad gureenta ay mas’uul ka tahay hay’adda IOM.
Sidoo kale safiirka waxaa uu sheegay in bisha February ay ku noqon doonaan
Magaalada Tunis si ay ugu safraan Libya.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]