4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 20, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo ku sii jeeda degmada Caabud-Waaq ee gobolka Gal-guduud

 

Sabti, Janaayo, 20, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay ku wajahan magaalada Caabud-Waaq ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa Cabud-Waaq ku wehlin doona maxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Wasiiro iyo xildhibaano ka kala tirsan dowladda iyo Galmudug iyo xubno kale.

Magaalada CaabudWaaq waxaa ka socda diyaar garoow aad u baalaran oo ku aadan soo dhaweynta madaxweynaha Soomaaliya iyo wafidgiisa, waxaana wadooyinka waa weyn lagu xardhay Calanka Soomaaliya iyo sawirka madaxweynaha.

Waxaa la filayaa marka uu madaxweynaha tago magaalada  Caabud-Waaq in uu kulamo la qaato qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan Waxagaradka iyo Dhalinyarada.

Ammaanka Magaalada  Caabud-Waaq ayaa si aad ah loo adkeeyay, ciidamo horu-dhac u ah safarka Madaxweynaha ayaa gaaray  Caabudwaaq. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]