4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 2 , 2018
Guddoomiyaha maxkamada ciidamada Aabihii oo goor dhaw lagu dilay Muqdisho

 

Talaado, Janaayo, 02, 2018 (HOL) –Warar goor dhaw soo gaaray Hiiraan Online ayaa sheegaya in Gurigiisa degmada Dherkeenley lagu toogtay Cali Nuur Shuute oo ah Aabaha dhalay guddoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida Col Xassan Cali Nuur Shuute.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dabley ay gudaha u galeen Gurigiisa kaddibna rasas huwiyeen marxuumka oo laakiin la sheegay in Guriga laga qaaday isaga dhaawac ah hasse ahaatee markii danbe u geeriyooday rasaasta lagu furay.

Lama oga sababta ka dambeysa dilka guddoomiyaha maxkamada ciidamada Aabihiis mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay dilka ka dhacay caawa degmada Dharkeynley.

Toogashadan ayaa imaneysa xilli shalay la bilaabay dhageysiga eedeymo loo haysto rag la sheegay in ay ku lug lahaayeen qaraxii 14-kii bishii October ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]