4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 2 , 2018
Sheekh Cali Wajiis : Safaarad ciidan sameysan karta ma jirto, waa in ciidamadu hoos yimaadaan dowladda

 

Talaado, Janaayo, 02, 2018 (HOL) – Iyadoo maalmihii ugu danbeeyayba ay soo baxayeen warar sheegaya in ay jiraan ciidamo aan ka amar qaadan dowladda Soomaaliya oo howlgalo ka fuliya magaalada Muqdisho ayaa waxaa arintaa ka hadlay qaar ka mid ah culima’udiinka Soomaaliyeed.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah hay’adda Culimada Soomaaliya ayaa wada jir uga horyimid jirintaan ka ciidamo aan ka amar qaadan dowladda oo ka howlgala gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

‘’Waaa xaaraan in ciidan aan aheyn kuwa dowladda hub ku dhax heystaan magaalada Muqdisho, safaarad ciidan u gaar ah sameysan karta ma jirto, arintaa waxaa ay dhaawaceysaa Qarannimada Soomaaliyeed, ciidanka la leeyahay Imaraadka ayeey la shaqeeyaan waa in deg deg loogu wareejiyaa dowladda Soomaaliya ayuu yiri’’ Sheekh Cali Wajiis.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad dhinaciisa sheegay in culimada Soomaaliyeed meel cad iska taageen sida uu hadalka u dhigay xaalada siyaasadeed dalka, isaga oo sheegay in dowladda federaalka looga baahan yahay in ay maamusho ciidamada kala duwan ee ku sugan dalka.

Hadalka Culimadda Soomaaliyeed ayaa imaanaya ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciidamadii weeraray guriga senator Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid oo ka tirsan golaha aqalka sare ay ahaayeen ciidamada ay tababareen dowladda imaaraadka carabta ee Muqdisho ku sugan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]