Ra’iisal wasaare Kheyre : Annaga oo joogna Sanad ka yar ayaan ku guuleysanay in qof walba mishaarkiisa qaato
Talaado, Janaayo, 02, 2018 (HOL) – Ra’iisul
wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay horumarka ay ku
talaabsatay Xukuumadda intii ay dhisneyd,waxana uu xusay in dhammaan
mushaaraadka shaqaalaha dowlada la bixiyay mudadii koobneyd ee ay dowladiisu
jirtay.
Kheyre oo la hadlay warbaahinta ay dowladu maamusho ayaa
sheegay in mudada ay Xukuumadda dhisan tahay in ay muuqato rajo wanaagsan oo
qof kasta oo Soomaali ah ku jirta Mustaqbalka, sidoo kale dhamaan shaqaalaha
dowlada in la siiyay Mushaarkooda, keyd dhaqaalana uu dowlada u yaalo.
“Waxaan leeyahay shacabka Soomaaliyeed anagu waxaan dalka
joognaa in ka yar sanad, sanadka intii ka yareyd waxaa muuqata rajo ah in qof
walbo oo Soomaaliyeed ay rajadiisa wanaagsanaan doonto Mustaqbalka,sanadka iyo
intii ka yareyd aan joognay qof kasta, mushaarkiisa wuu qaatay, anagoo bixinay
mushaarka oo dhan hadana dhaqaalo gaaraya 20 milyan ayaa dowlada u taala”. Ayuu
yiri Kheyre. Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa dhinaca kale ka hadlay sida
dunida diyaar ugu tahay inay xukuumada Soomaaliya kala shaqeyso hormarka dalka
dhinac kasta, isagoo sheegay inay ku guuleysteen saxiixida mashaariicyo
waaweyn.
“Anagoo joogna sanad ka yar ayay dunida na leedahay waxaan
idin kala shaqeyneynaa sidii dhaqaalaha loo kobcin lahaa, anagoo joogna sanad
ka yar ayaa 200 oo Milyan la saxiixanay dowlada Qatar, anagoo joogna sanad ka
yar ayaa dowlada Mareykanka la saxiixanay 300 oo Milyan, anagoo joogna sanad ka
yar ayaa Midowga Yurub waxay nagu soo wareejiyeen inaan saxiixno heshiis kasta
oo aan geli karno oo iyagu aanay go’aan inoo gaari Karin”.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in la
dagaalanka Musuq maasuqa uu yahay markasta ahmiyadooda koowaad, isagoo xusay in
Sharciga la dagalaanka Musuqa ay horgeeyeen Baarlamaanka sidoo kalena la
sameynayo Guddi Madax banaan oo la dagaalanka Musuq maasuqa ah.
“Annaga ka xukuumad ahaan dowlada hada jirta la dagalaanka
musuq maasuqa wuxuu inoo yahay sidaan idin sheegay Falsafadii koowaad sida
Dhaqaalaha Soomaaliya uu yahay midka koowaad ee laga fekero ayuu Musuq
maasuqana u yahay in laga fekero, Baarlamaanka Soomaaliya ayaan u gudbinay
sharciga la dagaalanka Musuqmaasuqa, hadda waxaan rajeyneynaa haduu ilaah
yiraahdo golaha markii ay dhameystireen in aqalka sare iyaguna ay soo
dhameystiraan, hadda waxaan xooga saareynaa inaan dhisno guddi madax banana oo
la magac baxay guddiga la dagaalanka Musuqmaasuqa, Maalintii dhibibada loo
taago guddigaas madaxa banaan oo xukuumada ka madax banaan oo isaga fuliya wax
kasta uu u baahan yahay oo ka hor taga musuq maasuqa ah, waxaan aaminsanahay
dalka inuu talaabo weyn hore u qaadayo”. Ayuu yiri Ra’iisul wasaare Kheyre.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ku
amaanay doorka muuqda ay ku leeyihiin hormarka dalka, isagoo ugu baaqay inay
sii laba jibaaraan si hormar balaaran uu dalka u gaaro.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]