4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 2 , 2018
Gabar Falastiin u dhalatay oo Maxkamad loo soo taagayo in ay dhirbaaxday Askari Israa’iil ah

 

Talaado, Janaayo, 02, 2018 (HOL) – Xukuumadda Israa'iil ayaa gabar yar oo Falastiiniyad ah ku soo oogay dacwad ka dib markii aad la isula wadaagay muuqaal laga duubay iyada oo dhirbaaxaysa oo riixaysa askari Israa'iili ah.

Ahed Tamimi oo 17 jir ah iyo qaraabadeeda ayaa la duubay iyaga oo ay is hayaan askar, baraha bulshada ee Falastiiniyiinta ayaana aad la isugula wadaagay.

Waxay wajahaysaa 12 dacwadood oo ay ka mid yihiin waxyeelo halis ah iyo dhagax tuur.

Laakiin qoyskeeda ayaa sheegay in ay ka qaybqaadanayeen iska caabin sharci ah marka uu mudaharaadka ka socday daanta galbeed ee la haysto.

Milatariga Israa'iil wuxuu sheegay in ciidammadu ay ka hortagayeen Falastiiniyiin dhagaxaan ku soo tuurayay baabuur goobtaas agteeda marayay.

Muuqaalkaas oo la duubay 15 December ayaa muujinaya koox dumar ah oo ay ka mid tahay Tamini oo ku qaylyaya, garaacaya, laadayana labo askari oo aad u hubaysan.

Onlineka ayaa aad la isugula wadaagay dad badan oo Falastiiniyiin ahna waxay Tamini ku ammaaneen in ay tahay halyeeyad ka soo horjeedsatay haysashada Israa'iil.

Hooyadeed oo muuqaalka ka duubtay ka dibna Facebook soo dhigtay ayaa sidoo kale dacwado lagu soo oogay.

BBC