4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 2 , 2018
Faah faahin ku saabsan Qarax gobolka Shabeellaha Hoose lagula eegtay ciidamo ka tirsan AMISOM

 

Talaado, Janaayo, 02, 2018 (HOL) – Faah faahinno dheeraad ah soo baxaya Qarax Jidgal ah oo kolonyo ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha hoose.

Kolanyada Qaraxa lala beegsaday waxey ku socdaalayeen wadada isku xirta degmooyinka Baraawe iyo Buulo Mareer, iyadoona dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay degmooyin iyo degaano ka tirsan gobalkaasi.

Al-shabaab ayaa war ay soo dhigeen baraha bulshada waxaa ay ku sheegeen in Miinada ay haleeshay mid ka mid ah Gawarida Gaashaaman ee ay wateen Ciidamada AMISOM.

Waxaa ay intaa ku dareen in burburay Gaarigii Qaraxa lala eegtay, sidoo kalena ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay Ciidamdii la socday gaariga.

Laakiin wali saraakiisha Ciidamada AMISOM faah faahin rasmi ah kama aysan bixin Qaraxan lagula eegtay Gobolka Shabeellaha Hoose, ee khasaaraha lagu gaarsiiyay mid ka mid ah Gawaaridooda iyo qaar ka tirsan Ciidamadooda.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa bilaabay Howlgallo amni xaqiijin ah iyo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa raggii ka dambeeyay Qaraxan Ciidamada lala eegtay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]