4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 2 , 2018
Saraakiil ka tirsanaa Al-shabaab oo isku dhiibay maamulka Koonfur Galbeed

 

Talaado, Janaayo, 02, 2018 (HOL) –Wararaka ka imanaya degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa sheegaya in labo Sarkaal oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab isku dhiibeen maamulka Koonfur Galbeed ee degmada , kuwaasi oo lagu kala magacaabo Cusmaan Cabdi Xasan iyo Cali Uunsow Maxamed.

Raggan oo Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka amniyaadka ayaa waxa ay ku sugan yihiin xarunta degmada, waxaana gacanta ku haya Guddoomiyaha degmada Buurhakaba iyo saraakiisha ammaanka Koonfur Galbeed.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf (Gacma) oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in raggan isa soo dhiibay ay dhib ku hayeen sida uu hadalka u dhigay  shacabka Koonfur Galbeed, balse hada ay ka soo laabteen go’aankooda hore.

Wuxuu sheegay maalmahan dambe in ay soo badanayaan ragga Shabaab ka soo goosanaya ee isku soo dhiibaya Koonfur Galbeed, isaga oo sidoo kale tilmaamay in ay gacmo furan ku soo dhaweyn doonaan, oo shacabkooda ay ka mid noqon doonaan.

Nuuradiin Yuusuf (Gacma) Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhalinyarada Shabaab ka tirsan ugu baaqay in ay isku soo dhiibaan Maamulka Koonfur Galbeed, si wanaagsan loola dhaqmi doono.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]