4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 19, 2018
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay carruur ka soo badbaadisay Al-shabaab

 

Jimco, Janaayo, 19, 2018 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ilaa 32 Carruur ah ay ka soo badbaadiyeen Al-shabaab kaddib weerar ay ku qaadeen Iskuul ku yaala gobolka Shabeellaha dhexe.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa carruurtan Amnigooda ay sugeyso dowladda Soomaaliya, isaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay in Al-shabaab Carruurta ay u adeegsanayaan fikirkooda sida uu hadalka u dhigay ‘’Argagixiso’’

Al-shabaab ayaa dhinacooda sheegay in ciidamo Mareykan ah xasuuqeen carruur kuwo kalana ay qafaasheen kaddib markii ay weerar ku qaadeen dugsi ay wax ka baranayeen.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen 10 ruux oo Afar Carruur ahaayeen.

Warbixin ay dhawaan soo saartay hay’adda Xuquuqda Aadanaha ayaa lagu eedeeyay Al-shabaab in ay qasab ku Askareeyaan Carruur da’doodu aad u yartay, gaar ahaan deegaanno hoostaga gobolka Bay oo la sheegay in ay tiro badan oo Carruur ah ka soo kaxeysteen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]