4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 19, 2018
Wiilal yar yar oo loo xiray in ay laayeen Nus Malyuun Shinni ah

 

Jimco, Janaayo, 19, 2018 (HOL) – Booliiska Maraykanka waxa ay xireen labo wiil oo yaryar, kuwaas oo la sheegay in ay u dhaceen beer shinni ah, burburiyeen, kadibna laayeen illaa Nus malyuun Shinni ah oo halkaasi malab ku dhalinayay.

Wiilashan ayaa burburiyay illaa 50 weel oo shinnida ay malabka ku dhalaysay, taasna waxa ay keentay in nus malyuun shinni ay qaboow u dhintaan beer ku taala magaalada Sioux.

Qasaaraha ka dhashay falkan ayaa waxa uu dhanyahay $60,000 doolar sida ay sheegeen mulkiilayaasha.

Engelhardt iyo xaaskiisa oo ka mid ah mulkiilayaasha ayaa sheegay in wiilasha ay galeen beerta, kadibna ay burburiyeen wax kasta oo meesha yiilay, mana jirin wax la xaday.

Arrintan ayaa soo jiidatay dareenka warbaahinta dalkaas, iyada oo markii dambe booliiska ay soo heleen dadkii ka dambeeyay falka oo ahaa labo wiil oo yaryar.

Olole xagga internetka ah ayaa qoysaska dhibaatada gaartay loogu yaboohay lacag dhan $30,000 doolar, walina yabooha waa uu sii socdaa.

Wiilashada ayaa lagu soo oogey dacwado kala ah burburin hanti, wax yeeleyn beeraha, iyo dhac.

BBC