4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 19, 2018
Dowladda Soomaaliya oo dib dalka u soo celineya Maxaabiis laga sii daayay xabsiyada dalka India

 

Jimco, Janaayo, 19, 2018 (HOL) – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya C/qaadir Axmed Kheyr ayaa kulanka golaha Wasiirada horgeeyay warbixin ku saabsan halka ay marayaan soo deynta Maxaabiista ku xiran dalka Hindiya.

Wasiiru-Dowlaha ayaa sheegay in bisha Febraayo Maxaabiis Soomaali ah laga sii deyn doono Xabsiyada dalka Hindiya ayna soo gaari doonaa Muqdisho.

Waxaa uu sidoo kale kulanka golaha Wasiirada ka hor sheegay in dowladda ay qorsheyneyso in diyaarad gaar ah ay u direyso Maxaabiistaasi ku xiran dalka Hindiya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo dhaqan gelinta heshiiska ay wada galeen dowladdaha Soomaaliya iyo Hindiya.

Waxaa uu sheegay in golaha Wasiirada ay aad kaga doodeen sida ugu dhaqsiyaha badan in lagu soo celiyo maxaabiista ku xiran Hindiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]