4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 18, 2018
Madaxweynaha Galmudug oo laga mamnuucay degmada Cadaado

 

Khamiis, Janaayo, 18, 2018 (HOL) –Kaddib kulan deg deg ah oo ay ku yeesheen degmada Cadaado Waxgarad iyo Odayaal ayaa lagu sheegay in degmada iyo deegaannada ku xeeran laga mamnuucay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo madaxa-xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay War-saxaafadeed ka soo baxay Waxgaradka iyo Odyaasha beesha Cadaado ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta loo oglaan doonin madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan degmada Cadaado iyo deegaannada ku dhaw dhaw.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu faray War-saxaafadeed in aysan u aqoonsan labada mas’uul madaxda Galmudug, iyaga oo si cad uga soo horjeestay shirweynihii maanta lagu qabtay degmada Dhuusa-mareeb ee lagu soo gabagabeeyay heshiikii Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca.

Go’aankan ayaa soo baxay kaddib markii uu fashilmay isku dey la doonayay in odayaasha iyo waxgaradka Cadaado lagu qanciyo in ay aqbalaan heshiiska Ahlu Sunna lala-galay oo ay siweyn uga biyo diideen.

Cadaado ayaa horay u aheyd xaruntii KMG ee maamulka Galmudug hasse ahaatee maamulka ayaa heshiiskan kaddib u soo wareegay xaruntii rasmiga ah ee maamulka oo noqoneysa degmada Dhuusa-Mareeb.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]