4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 18, 2018
Taliye ka tirsanaa ciidamada Badda oo lagu dilay magaalada Muqdisho


Khamiis, Janaayo, 18, 2018 (HOL) –Gudaha dekedda magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu dhax toogtay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Badda oo lagu magacaabi jiray Jen. Saciid Aadan Dheere (Saciid Mariino).

Sarkaalka la dilay oo maamulayay qeyb ka mid ah dDekeda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Saciid Mariin, kaasi oo si weyn looga garanayay gudaha Dekeda Muqdisho.

Sarkaalkan ayaa waxaa dilkiisa ka dambeeyay nin isaga ku xigeen u ahaa, iyada oo ilaa hadda aanan si dhab ah loo ogeyn sababta ka dambeysay dilkiisa.

Ciidamada ammaanka gudaha Dekeda Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay gacan ku dhiiglaha dilka geystay, waxaana laga dhigay Dareeska iyo Hubkii uu watay, iyada oo garba duub loo xiray, kadibna Gaari lagu kaxeeyay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Taliska Badda ee ciidanka xoogga dalka iyo laamaha ammaanka ee dowladda oo ku saabsan dilka loo geystay Taliyaha ka tirsan qeybaha Talisyada Ciidamada Badda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]