4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 18, 2018
Calanka Galmudug oo markii ugu horeysay maanta laga taagay degmada Dhuusa-Mareeb

 

Khamiis, Janaayo, 18, 2018 (HOL)–Kaddib khilaaf muddo dheer soo jiray calanka dowlad gobolleedka Galmudug ayaa maanta si rasmi ah looga taagay xarunta cusub ee madaxtooyada Galmudug ee Dhuusa-Mareeb.

Munaasabada lagu soo gunaanadayay heshiiska labada dhinac Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca waxaa ka qeybgallay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweyayaasha dowlad gobolleedyada Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Sidoo kale Munaasabadan waxaa ka qeyb galay xubnaha beesha Caalamka oo ay ugu horeeyaan Micheal Keating, Guddoomiyaha Midowga Afrika Ambassador Francisco Madeira, Wakiilka IGAD iyo xubno kale, kuwaasi oo maanta gaaray Dhuusa-mareeb.

Wakiilka Gaarka ah Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Micheal Keating oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in QM ay soo dhaweyneyso heshiiska, wuxuuna balan qaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonaan Maamulka Galmudug.

Madaxa Xukuumada Maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la iska cafiyo wixii horey u dhacay, la iskuna calool fiyoowaado, si horey loogu sii socdo.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Soomaaliya Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa dhinaciisa sheegay in maanta ay tahay maalin weyn oo lagu riyoonayay in ay dhacdo, wuxuuna ku tilmaamay guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Gobolada dhexe.

Sidoo kale madaxweynaha Galmudug ayaa ku baaqay in la iska ilaaliyo inuu yimaado khilaaf, isaga oo sidoo kale sheegay in Galmudug ay u diyaar garowday dagaal wadajir ah oo lagu qaado Shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo soo xiray Munaasabadda ayaa u mahadceliyay dhinacyadii howshaan ka soo shaqeeyay, wuxuuna tilmaamay in howsha hada ay tahay bilow.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]