4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 18, 2018
Gudiga Amniga Jubbaland oo ka shiray xaaladaha dhanka ammaanka


Khamiis, Janaayo, 18, 2018 (HOL) –Kulanka ay maanta yeesheen gudiga amniga dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa shir gudoominayay madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland Mudane Max'uud Sayid Aadan, waxaana ka qeybgalay, wasiirro, taliyeyaal iyo saraakiil ciidan.

Taliyeyaasha ciidamada Jubbaland ayaa ugu horeyn madasha ka hadlay, ayagoo laga dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladaha ammaanka Jubbaland.

Kulanka oo ay warbaahintu dibadjoog ka ahayd ayaa markii uu soo idlaaday waxaa saxaafadda uga warbixiyay wasiirka madaxtoyada Jubbaland Mudane Axmed Xasan (Axmed Sitiin), isagoo sheegay in kulanka diiradda lagu saaray, sugidda amniga garoomada diyaaradaha Jubbaland, dib u dhiska ciidamada iyo tayeyntooda, dardargelinta howlaha dakhilga ee ay waddo wasaaradda maaliyadda iyo gudiga mideynta dakhliga ee dhawaan uu Madaxweynaha magacaabay iyo arimo kale.

Waxa uu xusay in madaxdu ay isku raaceen in ay lagama maarmaan tahay in tallaabooyin loo qaado dhanka xoreynta goobaha ay ka taliyaan Al-shabaab ee Jubbaland.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.