4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 18, 2018
Shirweynaha dhameystirka heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna oo ka furmay Dhuusa-Mareeb

 

Khamiis, Janaayo, 18, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha guddiga dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo Ahlu Sunna Cabdisamad Macalin Maxamuud ayaa warbaahinta u sheegay in uu furmay shirweynaha dhimeystirka heshiiska labada dhinac oo maalmihii ugu danbeeyay qaban-qaabadiisa laga waday Dhuusa-Mareeb.

Shir-weynahan ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Madaxweynaha Galmudug oo marti loo yahay iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, iyada oo uu shirkan ka maqan yahay Axmed Madoobe oo cudur daartay.

Sidoo kale Munaasabadan waxaa ku sugan xubnaha Beesha Caalamka oo ay ugu horeeyaan Micheaking, Guddoomiyaha Midowga Afrika Ambassador Francisco Madeira, Wakiilka IGAD iyo xubno kale, kuwaasi oo maanta gaaray Dhuusa-Mareeb.

Shirkan oo wajigiisii hore ka dhacay dalka Jabuuti iyo magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in si rasmi ah labada dhinac heshiis uga gaaraan khilaaf muddo dheerba soo jiray iyadoo dhinaca kalana lagu heshiinayo awood qeybsiga maamulka oo horay go’aan looga gaaray.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]