4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 18, 2018
Wafdi ka socda beesha caalamka oo gaaray magaalada Dhuusa-Mareeb

 

Khamiis, Janaayo, 18, 2018 (HOL) - Wafdi uu hoggaaminayay Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo ay uga qeyb galayaan Munaasabadda dhameystirka Heshiiska Ahlusuna iyo Galmudug.

Micheal Keating oo ay wehliyeen Wakiilka Midowga Afrika Danjire Francisco Madeira, IGAD, Safiirka Itoobiya iyo xubno kale ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ku so dhoweeyay Madaxda Xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir.

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa goobjoog ka noqon doona Munaasabadda midowga Galmudug, iyadoo sidoo kale munaasabada ay ka qeyb geli doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxda dowlad goboleedyada iyo marti sharaf kale.

Munaasabaddan ayaa waxay dhabaha u xaari doontaa, sidii Galmudug ay saldhigan laheyd magaalada Dhuusamareeb oo ah caasimadda maamulka.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamo ka socda AMISOM ay ka qeyb qaadanayaan sugida ammaanka guud ee magaalada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]