4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 18, 2018
Howlgal lagu dilay dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo laga fuliyay Jubbada Hoose

 

Khamiis, Janaayo, 18, 2018 (HOL) - Wararka ka imanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in howlgal wada jir ah oo iska kaashanayeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo ciidamo Mareykan ah laga fuliyay deegaan lagu magacaabo Baar Sanguuni oo Kismaayo u jira 45km.

Wararku waxaa ay sheegayaan in howlgalkaa ay ka qeybqaateen diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopter ah, iyagoo duqeeyay fariisimo Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka ee qeybta 43aad Jen. Ismaaciil saxardiid ayaa u sheegay Idaacada ku hadasha afka Ciidamada xoogga dalka in duqeynta iyo weerarka ay khasaare ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in Weerarkaasi lagu dilay illaa 7 dagaalyahan iyo afar sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab, iyagoo gacanta ku dhigay labo ka mid ah gaadiidka dagaalka.

Ma ahan markii u horeysay oo weeraro wadajir uga fuliyaan Jubadda Hoose ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaano Danab iyo Ciidamo Mareykan ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]