4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 18, 2018
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo faah faahin ka bixiyay shir culima’udiin Soomaaliyeed uga socda Kismaayo

 

Khamiis, Janaayo, 18, 2018 (HOL) – Magaalada Kismaayo waxaa ku shirsan culima’udiin Soomaaliyeed oo maalmihii ugu danbeeyayba halkaa shir ku lahaa, waxaana jiray fasiraado kala duwan oo bulshada Soomaaliyeed shirkaa ka bixinayeen.

Hadaba Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo madaxa ka ah hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa beeniyay in shirkaasi yahay mid siyaasadeed, isaga oo sheegay in culima’da Kismaayo isugu tagtay ka wada hadalayaan oo kaliya arrimo wac-yi –galin ah, nabadeynta iyo in dadka laga baarujiyo Qabyaalada.

Sidoo kale wuxuu sheegay Sheekh Bashiir Axmed Salaad shirkan inuusan aheyn midkii koowaad, balse ay jirtay in la soo qabtay marar badan, laguna soo qabtay gudaha dalka iyo dibadiisa.

‘’Isku imaatinkan culima’da ma’aha kii ugu horeeyay, dalka gudihiisa ayaa marar badan lagu qabtay dibadiisa ayaa lagu qabtaa, mid siyaasi ah ma’aha, waa kulamo umadda lagula hadlo laguna wac-yi-galiyo ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa VOA-da u sheegay in shirkan looga hadleynin arrimo siyaasadeed, balse diirada lagu saarayo keliya wacyi gelinta bulshada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]