4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 17, 2018
Qaramada Midoobey oo sheegtay in 4,000 oo Qoysas barakacayaal ah laga bur buriyay xeryihii ay ku noolaayeen

 

Arbaco, Janaayo, 17, 2018 (HOL)- Qaramada Midoobay iyo dallada ay ku mideysan yihiin ururada aan dowliga ahayn ayaa sheegay in qoysas gaaraya 4,000 ama 20,000 oo ruux in guryihii ay ku noolaayeen laga burburiyay bishii hore duleedka magaalada Muqdisho.

Dowlada Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedeymo hore loogu soo jeediyay iyadoo ballanqaaday inay baaritaan ku sameyn doonto warar sheegaya in kumanaan qoys oo ka soo barakacay abaaro iyo dagaalo si qasab ah loogaga saaray xeryo ay ku noolaayeen.

Burburinta lagu sameeyay xeryo qaxooti oo gaaraya labaatameeyo ayaa ahaa mid aan hore loo sii shaacin sida ay daabacday wakaalada wararka ee Reuters,iyadoo loo diiday qoysaskii ku noolaa inay agabkii guryaha u yiil ay qaataan.

Qaar kamid ah shaqaalaha hay’adaha gargaarka ayaa laga soo xigtey in ay arkeen askar labisan dareeska ciidamada dowlada oo ku lug lahaa howsha bur burinta xeryahan.

Wasiirka qorsheynta iyo maalgelinta dowlada federalka Jamaal Xasan ayaa ka sheegay kulan ay ka qeybgaleen Qaramada Midoobay in dowlada Soomaaliya ay baareyso wararka sheegaya in qoysas si qasab ah xeryihii ay ku noolaayeen loogaga saaray.

“Waxaan baaritaan ku sameeynaynaa sida dhabta ah ee ay wax u dhaceen,kadibna warbixinta aan ka sameyno ayaad ku arki doontaan waxa dhacay iyo sida ay u dhaceen.”ayuu yiri wasiirka qorsheynta dowlada federalka.

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku dubaridka gargaarka (OCHA) ayaa mar kale cambaareeyay burburinta waxana uu sheegay in dadka si qasab ah guryahoodii loogaga saaray iyo horumarka Soomaaliya ay ku talaabsanayso aysan ahayn mid isku dhiganta.

“Guryo kaliya dadkaasi lagama burburin balse dhismayaasha adeegyada aasaasiga ah oo ay hay’adaha gargaarku bixiyeen sida musqulo,xarumo waxbarasho,xarumo bulshadu ku kulanto ayaa la burburiyay”ayuu yiri Peter De Clercq Madaxa OCHA ee dalka Soomaaliya.

“Waxaan ku celinayaa cambaareynteydii arrintan xadgudubka ah waxaana aan ugu baaqayaa dowlada iyo maamul goboleedyada in ay qaadaan talaabada ku habboon ee lagu ilaalin karo isl amarkaana lagu gargaari karo dadka sida weyn ay dhibaatadu u soo gaartay.”ayuu sii raaciyay Peter De Clercq.

Qaramada Midoobay ayaa waxa ay sheegtay in abaaro iyo dagaalo ay ku qasbeen dad gaaraya 2 malyan oo ruux inay ku barakacaan gudaha dalka Soomaaliya kuwaasoo badankood degey xeryo aan rasmi ahayn oo ku yaal magaalooyin badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]