4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 17, 2018
Naadigii Madbacada Qaranka oo dib loo howlgaliyay

 

Arbaco, Janaayo, 17, 2018 (HOL)- Munaasabad lagu daah-furayay dib u howlgalinta Naadiga Madbacada Qaranka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa lagu qabtay Muqdisho.

Waxaa ka qeybgallay mas'uuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan  Yariisow , Wasiir kuxigeenka Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo xubno ka socda bahda ciyaaraha dalka.

Goobta munaasabada ay ka dhacday ayaa lagu soo bandhigay Taariikhdii Naadiga Madbacada iyo qorshaha hadda laga leeyahay dib u howlgalinta Naadigaasi.

Gudoomiyaha Naadiga Madbacada Cumar Mugaabe Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta C/raxmaan Alcadaala Iyo Gudoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta C/Qani Saciid Carab ayaa kala saxiixday qorshaha cusub ee dib loogu howlgalinayo Naadigaasi.

Munaasabad lagu daah-furayay dib u howlgalinta Naadiga Madbacada Qaranka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa lagu qabtay Muqdisho.

 

Munaasabada waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow , Wasiir kuxigeenka Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Xubno ka socda bahda Ciyaaraha dalka.

Madasha waxaa lagu soo bandhigay Taariikhdii Naadiga Madbacada iyo qorshaha hadda laga leeyahay dib u howlgalinta Naadigaasi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]