4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 17, 2018
QM oo sheegtay in Soomaaliya u baahan tahay $1.6 Bilyan

 

Arbaco, Janaayo, 17, 2018 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa Muqdisho uga qeybgallay kulan looga hadlayay Qorshaha Arimaha Bini’aadanimada Soomaaliya ee 2018 oo ay soo qaban-qaabisey Qaramada Midoobey

Waxaa sidoo kale kulankaan ka qeyb-galay masuuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobey Midowga Afrika Ururro Caalami ah iyo Hay’adaha Xuquuqul insaanka Soomaaliya

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka soo wanaagsaneyso xaga xuquuqul insaanka Marka loo Eego sida meesha looga saarey dhacdooyinka bani’aadannimada ee ka dhici jiray deegaanada Soomaaliya sida kufsiga jirdilka.

Masuuliyiinta Qaramada midoobey ayaa sheegay in loo baahan yahay hal dhibic Lix Bilyan oo doollar US$1.6 Billion si loogu caawiyo shan dhibic Afar milyan oo Qof 5.4 Million oo u baahan Gargaar bani’aadanimo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]