4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 17, 2018
Mareykanka oo hakiyay kaalmo lacageed uu siin jiray Falastiniyiinta

 

Arbaco, Janaayo, 17, 2018 (HOL) – Mareykanka ayaa hakiyay kala bar kaalmadii lacageed ee uu siin jiray maamulka Falastiniyiinta, taasoo loo marin jiray hey’ad ka tirsan Qaramada Midoobey.

Kaalmada lacageed ee uu Mareykanka siin jiray Falastiin ayaa ahaa kuwo dhinaca gargaarka bani’aadanimada laga taageeri jira.

Mas’uul ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa sheegay in sanadkan la siin doono Falastiin 60 milyan oo dollar kaliya, hase ahaatee la hakin doono 65 milyan oo dollar, isla markaana mustaqbalka qiimeyn lagu sameyn doono.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa walaac ka muujiyay hakinta Mareykanka ee dhaqaalihii la siin jiray Falastiniyiinta.

Guterres ayaa sheegay in kaalmada dhaqaale loo marin jiray hay’adda UNRWA, waxaana lagu taageeri jiray qaxootiga Falastiniyiinta ay ahaayeen kuwo muhiim u ah xasiloonida gobolka.

Madaxweyne Trump ayaa horay ugu hanjabay inuu dhaqaalaha ka jari doono dalalkii ka soo horjeestay go’aankii uu magaalada Quddus ugu aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israel.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]