4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 17, 2018
Mareykanka iyo Canada oo ku baaqay in la dhaqangaliyo cunaqabataynta Kuuriyada Waqooyi

 

Arbaco, Janaayo, 17, 2018 (HOL) – Wasiirka arrimaha dibadda Canada Chrystia Freeland, oo marti galisay shirkan oo ka dhacay Vancouver, ayaa sheegtay in aysan iska indha tiri Karin iyada oo khatarta Niyukleerka Kuuriya Wuqooyi ay sii kordhayso.

Dhigeeda Mareykanka, Rex Tillerson, ayaa sheegay in ay muhim tahay in wadamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay si buuxda u dhaqan galiyaan cunaqabataynta gaar ahaan Shiinaha iyo Ruushka.

Kulankani kama qayb-galin madaxda wadamada Ruushka Iyo Shiinaha.

Dhanka kale saraakiil ka kala socota labada Kuuriya ayaa waxay kulan ku yeesheen xudduuda militariga ka caagan .

Labada dhinac waxa ay wada-hadalo dheeraad ah ka yeesheen sidii Kuuriyada Waqooyi ciyaartooy ka socota uga qayb gali lahaayeen ciyaaraha xilliga qaboobaha ee lagu qaban doono Kuuriya Koonfureed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]