4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 17, 2018
Puntland oo ku eedeysay Somaliland in ay taageerto Ururka Al-shabaab

 

Arbaco, Janaayo, 17, 2018 (HOL) – Iyadoo dhawaan ciidamo ka tirsan Somaliland la wareegeen deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa sii kordhaya hanjabaado iyo Warar xambaarsan dhiill colaadeed oo ay hawada isku-marinayaan Puntland iyo Somaliland.

Wasiirka Warfaainta Puntland Cabdi Cali Qarjab ayaa ku eedeeyay Somaliland in ay taageerto Ururka Al-shabaab.

Qarjab ayaa sheegay in Puntland uu dulqaadka ka dhamaaday, wixii hada ka dambeeyana ay iska difaaceyso cid alaala cidi ku soo xad gudubta dhulka Puntland.

Sidoo kale wuxuu sheegay Wasiirka Warfaafinta Puntland in Somaliland ay taageerto ururada Al-shabaab iyo Daacish, wuxuuna tilmaamay midaasi in aysan aheyn wax wanaagsan.

Saleymaan Cali Koore Wasiirka Biyaha Somaliland ayaa dhankiisa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay iska difaacdo cidii ku soo xad gudubta qaranimadeeda, isaga oo sidoo kale tilmaamay mar walba in ay muhiim tahay nabadda.

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya Micheal Keating oo dhowaan ka hadlay xiisada Tukaraq ayaa ku dhawaaqay in la wada hadlo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]