3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 16, 2018
Shir looga hadlayay horumarinta degmooyinka Jubbaland oo ka furmay Kismaayo


Talaado, Janaayo, 16, 2018 (HOL)–Shirkan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda arimaha gudaha Jubbaland ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii la isaga kaashan lahaa mashaariic lagu horumarinayo adeegyada muhiimka ah ee bulshada, waxaana ka qeybgalaya gudoomiyeyaasha degmooyinka ay ka arimiso dowlad goboleedka Jubbaland, xubno ka socday ururrada bulshada rayidka ah iyo howlwadeennada wasaaradda arimaha gudaha Jubbaland.

Sida uu sheegay wasiirka arimaha gudaha Jubbaland Mudane Max'ed Warsame Darwiish, ujeedka shirka ayaa ah in shacabka iyo maamulku iska kaashadaan horumarka, ayadoo loo maro hannaanka iskaa-wax-u-qabso, isagoo sheegay in si loo gaaro arintaasi ay u baahantahay in shacabka iyo dowladdu ay dhexmarto wada shaqeyn iyo iskaashi.

Gudoomiyeyaasha degmooyinka ka qeybgalaya shirka ayaa soo bandhigi doona qorsheyaal ku aadan sida ugu fudud ee wax looga qaban karo adeegyada muhiimka ah ee bulshada, iyo sida loo abuuri karo jawi ay isku kaashadaan maamulka iyo shacabka.

Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland Mudane Max'uud Sayid Aadan, oo daahfuray shirkan wadatashiga ah ayaa sheegay in gudoomiyeyaasha degmooyinka ee ka qeybgalaya shirka ay saarantahay masuuliyad baaxad weyn, lagana doonayo in ay diiradda saaraan sidii ay uga fakari lahaayeen horumarka degmooyinka ay masuulka ka yihiin, isagoo xusay in ka dowlad ahaan ay kaalintooda qaadan doonaan.

Shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli wasaaradda arimaha gudaha Jubbaland ay mudooyinkii u danbeeyay ku howlanayd dhismaha goleyaasha deegaanka iyo degmooyinka Jubbaland, hannaanka oo ay wasaaraddu sheegtay in uu yahay habka keliya ee uu ku iman karo isla xisaabtan dhab ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.














Click here
1/16/2018 1:25 PM EST
Talaado,Janaayo 16,2018 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta safarkii labaad ku tagay dalka Itoobiya ka dib markii uu marti qaad ka helay Ra’isal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegne.

1/16/2018 10:52 AM EST
Talaado, Janaayo, 16, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Gal-guduud.

1/16/2018 7:44 AM EST
Talaado, Janaayo, 16, 2018 (HOL)–Madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu horkacayo oo goor dhaw gaaray magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Gal-guduud.

1/16/2018 4:12 AM EST
Talaado, Janaayo, 16, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ka hor-yimid qorshe Mareykanka ku dhisayo ciidamo gaaraya 30-kun oo askari oo ka tirsan Kurdiyiinta, si ay u sugaan amniga xuduuda Suuriya iyo Turkiga.

1/16/2018 4:01 AM EST
Talaado, Janaayo,16,2018 (HOL)–Magaalada Dhuusa-Mareeb waxaa ka socta qabanqaabada munaasabad ballaaran oo lagu wado in lagu dhameystiro heshiiskii horey u dhaxmaray Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca.

1/16/2018 1:17 AM EST
Talaado, Janaayo, 16, 2018 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al-shabaab subaxnimadii hore ee saakay la wareegeen deegaanka Deynuunaay oo 26km u jirta magaalada Baydhabo.

1/16/2018 1:05 AM EST
Talaado, Janaayo, 16, 2018 (HOL) - Itoobiya ayaa daaqada ka tuurtay kiis ka dhan ahaa hogaamiye ka tirsan mucaaradka oo la xiray sand ka hor.

1/16/2018 12:58 AM EST
Talaado, Janaayo, 16, 2018 (HOL) - Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed General Maxamuud Maxamed Koronto ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo ay ciidamada ka fuliyeen inta u dhexeysa Jowhar iyo Balcad.

1/16/2018 12:46 AM EST
Talaado, Janaayo, 16, 2018 (HOL)-Xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa fiidnimadii xalay waxa ay weerar saf balaaran ah ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin xaafada Buula-fooliyo oo ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

1/16/2018 12:35 AM EST
Talaado, Janaayo, 16, 2018 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug.