4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 16, 2018
Madaxweyne Waare oo gaaray magaalada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud

 

Talaado, Janaayo, 16, 2018 (HOL) – Madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo wafdi uu horkacayo iyo goor dhaw gaaray magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Gal-guduud.

Madaxweyne Waare ayaa socdaalkiisa ku wehlinaya guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeele Cismaan Barre Maxamed, waxaana halkaa ku soo dhaweeyay hoggaamiyaha maamulka Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan.

Madaxweynayaal kale ayaa lagu wadaa in ay tagaan degmada Dhuusa-Mareeb o lagu wado in ay ka dhacdo munaasabad lagu dhameystirayo heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Dhuusa-Mareeb uu gaaro madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo booqasho ku jooga deegaanno ka tirsan Galmudug.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]