Talaado, Janaayo, 16, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan
ayaa ka hor-yimid qorshe Mareykanka ku dhisayo ciidamo gaaraya 30-kun oo askari
oo ka tirsan Kurdiyiinta, si ay u sugaan amniga xuduuda Suuriya iyo Turkiga.
Erdogan ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid argagixiso oo la doonayo in
qalalaase loogu abuuro amniga dalkiisa.
Waxaa uu wacad ku maray inuu hor istaagi doono qorshe kasta oo lagu
tababarayo ciidamo Kurdiyiin ah oo ka mid ah xooggaga uu taageero Mareykanka ee
ku sugan Suuriya.
Jabhadda Kurdiyiinta ee SDF ayaa ka mid ah xooggaga uu taageero Mareykanka
oo dagaal kula jira Kooxda Daacish.
Turkiga ayaa u arka jabhadan inay xiriir la sameysan karaan Kooxda kale ee
Kurdiyiinta PKK oo dagaal kula jirta dowladda Turkiga.
Isbaheysiga Mareykanka ayaa wada dadaalo uu ku tababarayo ciidamada
Kurdiyiinta oo ka dagaalamaya gudaha Suuriya, kuwaasoo horay dhowr deegaan uga
qabsaday Kooxda Daacish.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]