Talaado, Janaayo, 16, 2018 (HOL) - Itoobiya ayaa daaqada
ka tuurtay kiis ka dhan ahaa hogaamiye ka tirsan mucaaradka oo la xiray sand ka hor.
Siideynta
hogaamiyaha Oromo Federalist Congress, Merera Gudina, ayaa ka mid ahaa
waxyaabihii ugu waawaynaa ee ay dalbanayeen dibadbaxayaasha gobolka Oramiya.
Dhanka kale xeer
ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya, Getachew Ambaye,ayaa sheegay in ka badan
500 oo maxaabiisa la siidayn doono maalmaha soo socda.
Waxaa uu sheegay
in marka hore ay tahay in maxaabiistan ay maraan tababar dhaqancelin ah,
Xukuuumada
Itoobiya ayaa sheegtay in maxaabiista la siidaynayo ay ku jiraan kuwa aan
isticmaalin xoog si ay isugu dayaan in ay dowladda ridaan.
Kumanaan qof ayaa
la xidhay mudo laba sanadood iyo dheeraad ah oo ay socdeen mudaharaaddo
dawladda lagaga soo horjeeday.
BBC